SAWIRRO:- Dowladda Somaliya oo Degaanada Galmudug ka Bilowday Hubinta Caafimadka Ciidanka Xoga Dalka

1516

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Hugaannada Caafimaadka , Hugaanka Maaliyada , iyo hugaanka Ciidanka ayaa Si Rasmi ah Qaybta 21_aad kaga Bilaabey Howsha Wajiga Labaad ee Nidaaminta Habka Diiwaanka Ciidanka Xoogga Dalka .

Qorshaha wajiga Labaad ayaa Lagu Hubinayaa Caafimaadka ciidamada iyadoo Askarigu uu Yeelanayo Xog keyd ah oo Dhameys tiran si loo ogaado warbixinta Guud ahaan askarta Ciidanka Xoogga Dalka

Wajigan labaad oo dhowaan uu daah furay Raysulwasaaraha XFS ayaa Lagu wadaa in ay Maraan dhamaan ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Guud ahaan Dalka waxaana Sidaa Sheegey Madaxa Hugaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Dr: mahad Cabdulaahi Nuur ,

Abaanduulaha Qaybta 21aad ahna Kusimaha Taliyaha Qaybta G/Le Aadan siyaad Cabdi ayaa Dhankiisa Tilmaamey in Howshani ay Fududeyn doonto la socoshada Xaalada Ciidanka

Howshan waxaa qayb ka Qaatey Dhaqaatiir ka Socotay Ururka Dhaqaatiirta Galmudug oo Caawinaad la garab taagneyd Howlaha ciidamada ee socda