26.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 2, 2024
Home Somali News SAWIRRO: Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Garowe

SAWIRRO: Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Garowe

1649

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, iyadoo si weyn halkaasi loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, K/Xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).