SAWIRRO:- Galmudug Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Sugi lahaa Amaanka Degaanadeeda

1743

Saraakiisha Talisyada Booliska ee Dhuusamareeb iyo Cadaado , Taliyaha Ciidanka Nabadsugida ee Galmudug iyo Maamulka Deg. Mareergur ayaa Kormeer Dhiirigalin ah ugu Tagey Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliyeed oo loo Xilsaarey Nabadgalyada Jidka isku Xira Magaalooyinka Gadinlabe , Mareergur ilaa Gadoon kuwaa oo ka Hortagi doonna Cid kasta oo Amniga lidi Ku ah Gaar ahaan Maleeshiyaadka Jidka u Gala Gawaarida Safarka ah .

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Ilaa Dhowr Barood la Geeyey iyagoo si weyn u adkeeyey Amniga waxaa sidoo kale la Howl Galiyay Ciidamo Ilaalin doonna wadooyinka kuwaa oo Roondo Joogto ah sameynaya Saacad kasta ,

Goobaha ciidamadan La geeyey ayaa ka dambeysa kadib cabasho ka Timid Dadka Shacabka ah ee Ku Safra wadada Laamiga ah.