Isbitaal Soroko ee ku yaalla magaalada Beersheba ee Israa’iil ayaa goor hore oo subaxnimada manta ah lagu garaacay gantaal ay Iiraan leedahay iyadoo dagaalku galay maalinkii 7-aad.
Muuqallo gobta laga soo duubay ayaa muujinaya burbur baaxad leh, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan dhaawacyada askarta Israel ee ku soo dhaawacmay dagaalka Gaza.
Seeriga digniinta ee duqeymaha cirka ah ayaa laga maqlay guud ahaan Israa’iil waxaana jira warar sheegaya in ugu yaraan lix weerar oo kale halka dhaawacyo kale oo badan laga soo sheegayo magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Iran ayaa sheegtay in Ujeeddada weerarka gantaalka ay ahayd xarunta taliska iyo sirdoonka milatariga Israa’iil ee ku dhow isbitaalka Soroka..
Xarunta la weeraray waxaa ku sugnaa kumannaan askari, nidaamyo hoggaan dijitaal ah, iyo hawlgallo dagaal oo dhinaca internet-ka ah (cyber warfare)”
“Kaabayaasha milatari ayaa si sax ah loo beegsaday, waxaana isbitaalka Soroka soo gaaray bu bur ka dhashay mowjadda qaraxa” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada Iran.
“Xerada la beegsaday weerarka waxa ku sugnaa kumannaan askari, nidaamyo hoggaan dijitaal ah, iyo hawlgallo dagaal oo dhinaca internet-ka ah (cyber warfare)” ayaa sidii kale lagu yiri war saxaafadeedka.
Idaacadda milatariga Israa’iil oo sheegay in burbur weyn uu ka dhacay dhismayaal ku yaalla magaalada Ramat Gan kaddib markii gantaal Iiraani ah si toos ah ugu dhacay.
Sidoo kale Iran ayaa saaka duqeysay dhismaha Suuqa saamiyada Israel ee magaalada Tel aviv kaasoo burbur lixaad leh uu soo gaaray.