SAWIRRO Iran oo soo riday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Isra’il

26

Diyaaradaha dagaalka Iran, ayaa maanta soo riday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Israa’il , gaar ahaan nuuca aan duuliyaha laheyn oo loo yaqaan Hermes UAV.

Ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran, ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan diyaaradan xilli ay howlgal iyo duqeyn dhinaca cirka ah ka waday qeybo kamid ah dalka Iran.

Warbaahinta dalka Iran, ayaa baahiyay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday diyaaradan dagaal ee maanta soo rideen ciidamada cirka ee Iran, kuwaa oo kahor tagaya weerarada Israa’iil.

Iran, ayaa horey usoo riday diyaarado dhoor ah oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo qeyb ka ahaa diyaaradaha duqeymaha iyo howlgallada basaasnimada kawaday qeybo kamid ah hawada dalka Iran.