SAWIRRO Isimada P/land oo muqdisho uyimid helitaanka Shahaada dugsiga sare oo horeyloogu diiday

1932

Gelinkii dambe ee Sgalay ayay aheyd kadib markii Isimo ka socda Maamulka Puntland ay soo gaareen magaalada Muqdisho isla markaana xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ay ku soo dhawesyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ujeedada imaatinkooda Muqdisho ayaa salka ku haya dhamanta iyo xalka gaarista khilaaf dhinaca waxbarashada ah oo ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedka Puntland oo labada Wasaaradood ay isku mari waayeen.

Dhinaca kalana Isimadaan ka socday Puntland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ee baarlmaanka iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyaga oo kala hadlay xalka gaarista khilaafkaan salka ku haya bixinta shahaadooyinka Puntland ee Ardaydii dhamaysatay Dugsiyada Sare ee maamulkaas.

Waxgaradkaan ayaa dhinaca kalana waxaa lagu wadaa in ay kulamo kale ay la qaataan madaxda sare ee dowladda fedraalka Soomaaliya.