SAWIRRO:- Kooxda Sufa Ee Dhusa mareeb oo Dagaal isku Diyaariyay

1706

Sh,maxamed Shaakir Cali Xasan hogaamiyaha Ahlusunna ayaa maanta Dhuusamareb kula kulmay Saraakiisha Ahlusunna oo iskugujira Qayb kamida Saraakiishii dhawaan ay dalacsiisay dawladda Soomaaliya iyo kuwii waayey dalacsiintii oo u badan saraakiisha meesha fadhisa.

Ahlusunna ayaa u sheegtay saraakiisha ay maanta lakulmeen inaysan ka amar qaadan dawladda Soomaaliya ayna qarka u saarantahay inay kabaxaan Hishiiskii dawladda ay lagaleen oo ay ku eedeeyeen inay baalmartey hishiiskii labada dhinac.

Waxa ay saraakiisha u sheegeen hogaanka Ahlusunna inay maanta kadib ka amar qaadan doonaan hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ahlusunna Macalin maxamuud sh,Xasan sidoo kale waxa ay Ahlusunna saraakiisha maanta u sheegtay in kahor inta aysan dawladdu imaanin dhuusamareeb siduu ahay maamulka Ahlusunna uu yahay maanta kadib.

Dhanka kale saraakiil katirsan saraakiishii ay dawladda Soomaaliya dhawaan dalacsiisay ayaa u muuqda inay wali kuxiranyihiin hugaanka Ahlusunna waxa ayna maanta aqbaleen inay ka amar qaataan Ahlusunna.