SAWIRRO Lamaanayaal lagu qabtay dhowr Baasaboor oo been abuur ah

1842

Warbaahinta Gudaha ee dalka Arjentina waxay maanta sheegeen in la qabtay Nin iyo Xaaskiisa oo ka soo jeeda dalka Iiraan, kuwaasi oo watay 4 baasaboor oo la been abuuray.

Labo ka mid ah Baasabooradda waxay kaga soo dhoofeen dalka Spain, halka labada kalena ay ku soo galeen dalka Arjentiina.

Lamaanayaasha oo lagu kala magaacbo Saajid Samyel Nasraan oo 27 jir ah iyo Masura Sabazali oo 30-jir ah waxaa la sheegay in labada Baasaboor ay ku soo galeen Arjentiina ahaa Baasaboorka Israel, waxayna ku safrayeen magacyada kala ah Netanel iyo Rivka Toledano.

Boliska Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Arjentina ee Bonis Ayris waxay ka shakiyeen magaca Toledano, oo ah magaca Hawl-fuliyaha Safaaradda Israel, oo lagu magacaabo Toledano.

Warbaahinta Maxaliga ee dalka Arjentina waxay sheegeen in Lamaanahaasi ay saddex Hotel degeen muddo 3 maalmood gudaheeda, waxayna Baarayaasha heleen inay Lamaanahaasi sameeyeen wicitaan gudaha oo 85 ilbiriqsi ah.

Labaduba kuma hadli karaan Luqadaha Spanish, waxayna sheegeen inay yihiin Muwaadiniin u dhalatay Iiraan, kana soo carareen dalkooda, iyagoo soo maray dalalka Turkiga, Giriiga ilaa ay ka soo gaareen dalka Spain.

Baarayaasha waxay baaritaan ku hayaan Kombiyuutarka khaaska iyo Mobayladda ay wataan, iyadoo mid ka mid ah Mobayladaasi yahay nooca iPhone oo xiran, isla markaana adag tahay in la helo xogta ku jirta.

Maamulayaasha dalka Arjentina waxay sheegeen inay sare u qaadaan Heerka Ammaanka Qaranka, ilaa laga jebinayo Mobaylka iphone-ka ee ay Lammaanahaasi wataan.

Sidoo kale, Boliska dalka Arjentiina waxay raadinayaan sidii ay ku heli lahaayeen Turjumaan yaqaan Luqadda Faarsi-ga ee looga hadlo dalka Iiraan, si uu gacan uga geysto Baaritaanka Lammaanahaasi u dhashay Iiraan.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN