SAWIRRO;-Masulinyin ka Tirsan Galmudug Oo Xariga jiray Mashaariic Hormarineed oo laga horgaliyay Hobyo.

1761
 Mashaariicdan Hormarineed Ee Laga hirgaliyay Hobya ayaa waxaa ka mid ah Istibal ay Bulshada ay ka Helaan adeegyada Caafimadka oo Bilash ah iyo Xarunta loogu talagalay ina ay Ku Shirkaan Maamulka iyo Bulshada Magaalada. Hirgalinta Mashariicdan waxaa si wadajir ah isaga kaashaday .Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Maamulka Degmada Hobyo iyo Hay.ada CPD. oo ka shaqeysa Hormarinta Degaanka
Waxaana Munaasabada Xariga jirka ka qeyb Galay Wasiirka Wasaarada Caafimadka Dowlad Goboleedka Galmudug. Agasimaha wasarada Arimaha Gudaha. Maamulka Degmada iyo qeybaha kale Ee Bulshada.
Igu Horey waxaa Munaasabada Daah.furay Gudomiyaha Degmada Hobyo Abdulahi ahmed Ali iyo Ku Xigeenkiisa Mohamud Cawaale.
Dhanka kale waxaa ayaguna gobta hadalo mahad celin ah ka jeediyay qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb Galay.
Agaasimaha wasarada Arimaha Gudaha  Galmudug Warsame Mohamed kheyliye iyo wasiirka Wasaarada Caafimadka Galmudug Naciima Mohamed catoosh.
Ayaa Xusay .in Mashariicdan ay Ahmiyad gooni ah uleeyihiin Bulshada Hobyo Islamarkaana looga baahan.yahay in ay ka faaideystaan. Wax ayna sidokale umahad celiyeen dhamaan Hay.adihii ka qeyb qadtay.

 

Halkaan ka Daawo Sawirada.