25.9 C
Mogadishu
Monday, July 8, 2024
Home Somali News SAWIRRO:- Musharax Madaxweyne. Odawaa Oo RW/ Kheyre Ka Dalbaday in Dorasho Xor....

SAWIRRO:- Musharax Madaxweyne. Odawaa Oo RW/ Kheyre Ka Dalbaday in Dorasho Xor. Ah ay ka Dhacdo Galmudug

1749

Xildhibaan Odowaa oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka ayaa Kheyre iyo xukuumaddiisa ka dalbaday in Galmudug ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana aan dadka deegaanka la duudsiin xuquuqdooda ah iney doortaan qofka ay rabaan.

Mudane Cabdiraxmaan Odowaa waxaa uu ka digay in faragelin lagu sameeyo hannaanka doorashada Galmudug, lana garba duubo rabitaanka shacabka, laguna qasbso dad kor looga keenay.

Dhankiisa ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa balanqaaday hufnaanta doorashada Galmudug iyo in dowladda ku ekaandoonto korjoogteyn, isla markaana reer Galmudug leeyihiin cidda ay dooranayaan.

Kulan oo yimid maalin kadib markii Odowaa uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa ayaa ku dhamaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo sidii Galmudug u yeelan laheyd nidaam dowli ah oo wax ka qabto baahida dadka dowlad goboleedkaas..