SAWIRRO:- Pro Shirwac oo loo doortay Hogaanka Sare Ee Beelaha Habar gidir

1758

Magaalada Hobyo Ee Gobolka mudug waxaa Maanta lagu doortay Gudomiyaha Guud Golaha Sare Ee Beelaha Habar gidir
Waxaana loo doortay Pro Abdulqadir Mohamed Shirwac Gudomiyihii Gudiga Gob
Waxaana La Tartamay Genaraal Mohamed Nuur Galaal.

Dorashada ayaa ka Dhacday Xarunta Shirarka Hobyo

Waxaana Codenayay ilaa 52 Xubnood oo ka Tirsan Golaha Sare Ee Beelaha Habar gidir.
Pro Abdulqadir Mohamed Shirwac ayaa helay Codad dhan.41 cod halka uu helay Ganaraal 8 cod.
Waxaana Ha laabay sadex cod.

Sadexda Sano ee Soo socoda waxaa Hogaaminaya Beesha Habar gidir Pro Abdulqadir Mohamed Shirwac.

Oo Maanta si rasmi ah ugu Guleystay Gudomiyaha Guud Golaha Sare Ee Beelaha Habar gidir.

Munaasabada Dorashada waxaa Goobjooge ka ahaa Xildhibaano Ka Tirsan Labada Gole Ee Barlamanka Somaliya