SAWIRRO Qarax xooggan oo goor dhow kadhacay Wadada Maka Al-Mukarama

1571

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday Gaari kaas oo ka dhacay maqaayad ku taalla meel u dhow hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho,waxaana qaarxaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wariyeyaasheena oo goordhow tegay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay soo sheegayaan in qaraxa gaariga uu ka dhacay Maqaada Filsan oo waxyar u jirta Hotelka wehliye,isla markaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay aheyd mid mashquul badan.

Waxaa goobya gaaray gawaarida gurmadka deg dega, kuwaas oo goobta ka sameynaya u gurmashada dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaas,waxaana sidoo kale goobta ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo xiray aaga qaraxa uu ka dhacay.