SAWIRRO:- Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho

135

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid Dhuusamareeb, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeybgalo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shalay galab inta uusan ka soo bixin Dhuusamareeb kormeeray halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay khubarrada iyo maamulka shirkadda dhismaha garoonka Dhuusamnareeb gacanta ku haysa.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu qadaa inay soo gaaraan Muqdisho, sida Qoor Qoor, si shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga qeyb galaan.

Shirkaas ayaa lagu qadaa in wixii ka dambeeya labada bisha uu ka furmo Muqdisho, sida xubno xog ogaal ah ay noo sheegeen, waxaana madaxda lagu qanciyey inay ka soo qeyb galaan.

Ajendaha ugu weyn ee shirka waa doorashada dowlad goboleedyada, afarta dowlad goboleed ee la qorsheynayo inay madaxdooda shirka kala soo qeyb galaan madaxda dowladda federaalka ayaa bilaha soo socda geli doona doorashooyin isdabayaalla.

Sida ay xog ku heshay Wardoon.net, waxaa madaxda dowlad goboleedyada lagu wada qanciyey inay shirka yimaadaan, maadaama ay qaarkood ka cagajiidayeen.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka mid ah madaxda ka cagajiideysay kasoo qeybgalka shirkaan oo muddo wajahayey dib u dhac, inkastoo aysan weli imaan Muqdisho, hadana waxaa lagu wadaa inay yimaadaan oo shirka ka soo qeyb galaan.