SAWIRRO Shaqaale Ajaanib ah oo lagu weeraray Berbera

1747

Wararka laga helayo Magalada Berbera ee Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Shan ka mid ah Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka xoogsada dekadda Magaaladaas weerar lagu dhaawacay.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha muruq maalka ayaa la sheegay inay Shaqaalahaasi Ajaanibta ah ay weerareen, kadib markii ay sheegeen inay Shaqadoodii kala wareegeen.

Qaar ka mid ah muruq maalka dekadda Berbera ayaa ku doodaya in Shaqo ay iyaga qaban kareen loo wareejiyay Shaqaalo Ajnabi ah oo dalal kale u dhashay,taas oo keentay inay weeraraan Shaqaalaha Ajaanibta ah,isla markaana dhaawacyo xoogan u geystaan.

Dhaawacyada Shaqaalaha Ajaanibta ah ee la weeraray ayaa wariyeyaal ku sugan Magalada Berbera waxaa ay sheegayaan in la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaaladaas si loogu daaweeyo.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliland ayaa tegay halka uu weerarka ka dhacay,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaar ka mid ah Shaqaalaha muruq maalka ee dekadda Berbera la xiray.