Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ka howlgala gobolada Jubooyinka ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha dagaalyahanada Al Shabaab.
Howlgal ay su wadajir ah u fuliyeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo qabtay Ibraahim lujeende Maxamed oo la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab u qaabilsan dhinaca sirdoonka.
Sargaal u hadlay ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in sargaalkan gacanta kusoo dhigeen ,waxa uuna xusay in sargaalkan Al Shabaab katirsanaa mudo 10-sano ah kana mid ahaa saraakiisha u qaabilsan xograadinta.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ninkan ay qabteen uu qeyb ka ahaa dagaalkii Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo halkaas oo lagu laayay ciidamo badan oo u dhashay dalka Kenya.
Al Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin warkan kasoo baxay milatariga Soomaaliya ee ku aadan in sargaal kooxdaasi katirsanaa la qabtay, mana jiraan ilo kale oo madax banaan oo warkan xaqiijiyay.