SAWIRRO Somaliland oo abaalmarin siisay Duuliye Axmed Dheere

1716

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin ayaa guddoonsiiyey Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) bilad sharaf loogu abaal gudayo kaalintii uu ka qaatay badbaadinta shacabka reer Hargeysa, mudadii ay colladda u dhexesay SNM iyo xukunkii siyaad Barre.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) ayaa wuxuu ka mid ahaa duuliyayaashii ciidanka circa Soomaaliyeed ee ka howl galayey gobolada waqooyi ee uu dagaal xoogan ka socday. Waxaana amar lagu siiyey in uu soo rusheeyo magaalada Hargeysa.
13kii bishii July ee 1988 ayaa Duuliye Axmed Dheere oo watay dayaaradda dagaalka ee nooceedu ahaa MIG-17 go’aanna ku gaaray in uu dayaaradiisa ku dajiyo xeebta Jabuuti. Ilaaheeyna waa ka badbaadiyey qatartii uu u galay naftiisa.

Dalka Luxemburg ayaa magan-galyo siyaasadeed siiyey Axmed Dheere, halkaas uu ku noolaa muddo ka badan 30 sannadood.

Dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyey duuliye Axmed Dheere oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir.

Ciidanka cirka Soomaaliya iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo laga keenay Koofur Afrika ayaa xasuuq ka geystay deegaanada Somaliland gaar ahaa magaalada Hagreysa.