SAWIRRO Taliyihii Booliska Somaliland oo maanta la aasay

1828

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo maanta xabaalaha masallaha ee Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas marxuum Cabdullaahi Fadal Iimaan.

Aaska qaran ee loo sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay shir guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, salaadiin, culmimaa’udiin iyo badiba haldoorka reer Somaliland, waxana salaadda jinaasada lagaga tukaday masaasjika Sheekh Mustafe ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdullaahi Fadal Iimaan ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxana ay ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.