SAWIRRO:- Tyson oo lagaraacay

81

Jake Paul ayaa ku guuleystay ciyaartii feerka ee xalay dhexmaray isaga Mike Tyson, waxaana garsoorayaashu ay ku dhawaaqeen in ay ku kala badiyeen dhibco kala ah 80-72, 79-73 iyo79-73.

 

Feeryahan-ka Youtuber-ka ah ee Jake Paul waxa uu bar madoow oo abadi ah uga tagay feeryahanka wayn ee Mike Tyson ee labada jeer ku guulaystey isreebreebka feerka ee dunida isagoo dhibco dirqi ah ku hor helay 70,000 oo taageereyaal niyad jabsan ah gudaha Texas – halka malaayiin kalena ay daawanayeen feerka aadka loo wada sugayay oo si toos ah ay uga daawanayeen TV yadooda.

 

Tyson, sida aad ka filan karto nin da’diisu tahay 58 oo aan si xirfad leh u tartamin 19 kii sano ee la soo dhaafay, wuxuu dugaashanayay shaqsiyadiisii hore.

 

Paul, oo 27 jir ah, ayaa ku cusub feerka, laakiin aad buu u da’yar yahay oo aad ayuu u orod badnaa xilliga ciyaarta. Wuxuu Tyson ku ilaaliyay in uu meel fog ka joogo.

 

Tyson la dareemayay in uusan firifircooneyn. Wuxuu helay soo dhawayn gessiyeed markii uu spoo galay goobta ciyaarta dagaalka ka hor, laakiin waxaa jiray guux oo oo niyad jab ah markii dagaalku dhamaad ku sii dhawaaday.

Xilli aan raaxo lahayn feerka kadib, Tyson markii uu guuldareystay markiisii toddobaad 57 feer oo uu galay, waxaa u yeearay Paul walaalkii, Logan, wuxuuna u soo jeediyay inuu mar kale dagaalami karo.

 

Labada nin waxay xirnaayeen galoofisyo culus oo lagu daray buufin dheeri ah, taasoo ahayd shuruudaha uu dajiyay guddiga Texas, oo oggolaaday in dagaalku noqdo mid xirfadeed – inkasta oo uu yahay go’aan hadda u muuqda mid la yaab leh.

 

Galoofisyada fudud ayaa xitaa aan samayn lahayn wax farqi ah, maadaama feerarkii la is dhaafsanayay uusan xitaa midkoodna istaagi ka ridi karin labada tartame.

 

Tyson wuxuu feer ku dul hubsaday ninka ay iska soo horjeedeen oo kaliya 18 jeer inta uu socday dagaalka oo dhan, halka Paul uu dhinaca kale u riday 78 jeer.

 

Paul, wuxuu caanimadiisa ku helay muuqaalo toocsi ah oo uu soo dhigi jiray internet ka kuwaas oo uu ku helay taageerayaal ku xiran oo gaaray ilaa 70 milyan ka hor inta uusan u diga rogan feerka.

 

Wuxuu ku guuleystay ilaa 11 feer oo adag, halka ;aga badiyay ciyaar feer oo Tommy Fury, wuxuuna mar kale la soo baxay doonis xoogan oo ah inuu la dagaallamo xiddiga reer Mexico, Saul ‘Canelo’ Alvarez.

 

“Isagu wuu is ogyahay inuu raadinayo lacag, markaa wuu ogyahay halka lacagtu ka jirto,” ayuu yiri Paul.