Sawirro:-Wabiga Shabelle oo fatahay

1733

Wararka naga so gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey dhinaca degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Wabiga ayaa ku soo fatahay xaafadaha Baalguri iyo Damaley, iyadoona dadka deegaanku ay haatan bilaabeen inay ka barakacaan halkaasi.

Fatahaada ayaa timid, kadib daadad ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa durbo tegay xaafadaha uu ku soo fatahay Wabiga Shabelle.

Najax ayaa sheegay inay haatan wadaan gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkaasi oo hadda ku dhibaateysan duleedka degmada Afgooye.

Sidoo kale wuxu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi, si loo badbaadiyo noloshooda.

Xaaladda ayaa haatan ka sii dareyso, welina gurmad mahelin qoysaska dhibaateysan.