Sawirro Wadada isku xirta Muqdisho & degmada Jowhar oo dib u dhis lagu bilaabay

1558

Dowlada Somalia oo bilowday mashruuc dib loogu dhisayo wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Wadadan oo dhererkeedu gaarayo ku dhowaad 100-km ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa ku deeqday dowlada dowlada Qatar, waana wejigii labaad ee mashruuc dib loogu dhisayo jidadka Muqdisho ku xira labada Shabelle.

Burbur xooggan ayaa ku dhacay wadadan, maadaama 30kii sano ee la soo dhaafay aysan helin wax dayactir ah, iyadoo gaadiidka ay dhibaato xoogan ku qabaan isticmaalkeeda.

Wejiga koowaad ee mashruuracan ayaa waxaa lagu dhisayaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhowr bilood ka hor la bilaabay balse hadda u hakatay amni daro ka dib markii qaraxyo lagu dilay injineero u dhashay Turkiga oo wadadaas dhismaheeda ka qeyb qaadanayey, halka qaar kalena lagu dhaawacay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhismaha labada wado oo markii hore qandaraas lagu siiyey shirkad Turki ah haatan lagu wareejiyey shirkadda Buruuj Constraction Co oo ka mid ah shirkadaha dhismaha Soomaalida.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa kormeeray maanta Waddada oo ugu dambeyn la qorsheynayo in la saaro laami cusub oo isku xira gobollada Benaadir iyo Shabeellaha Dhexe.