Sawirro: Xasan Sheekh oo Eritrea tagay

57

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho shaqo oo rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay.

Arrimaha miiska saaran ee safarkaan uu ku saabsan yahay waa sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan ayaa safaradii hore u tegi jiray ciidamada Soomaaliya ee dalkaas tababarku uga socdo.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi, waana markii ugu horeysay oo masuul xil haya uu Xasan Sheekh u watay dalka Eritrea oo 7 jeer uu tegay intii uu xilka hayey.

Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin dalka Eritrea wuxuu tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo saldhig military uu ku leeyahay Mareykanka oo tababara ciidamada Danab ee xoogg dalka, wuxuuna tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeeno iyo askar cusub oo Danab ku biirtay.