SAWIRRO:Xasan Sheekh oo jooga Garoonka Stadium Muqdisho

93

Munaasabad si weyn loo soo abaabulay ayay Dowlada Somalia saaka ku qabatay garoonka Staidum Muqdisho xili wali ay socoto munaasabada iyadoo masuuliyiintuna khud-badana jeedinaayaan.

Munaasabadaan waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Somalia ,Wasiirka waxbarashada ,Wasiirka ciyaaraha ,masuuliyiin kale kumanaan ardey ah iyo qeybaha bulshada iyadoo si weyn loo soo camirey.

Munaasabadaan waxaa lagu weyneynayaa maalinta qiimaha badan ee 21-ka Novomeber oo sanad kasta la xuso maalinta macalinka Somaliyed walow shalay ay ku beegneyd balse munaasabada ayaa maanta qabsoontay.

Masuuliyiinta Dowlada waxay dhawaan cadeyeen inay qorayaan ilaa 10 kun oo macalmiin ah oo hor leh iyadoo Dowlada Madaxweyne Xasan hore sidaan oo kale kumanaan hor leh u shaqaaleysiisay si tayada waxbarashada loo kordhiyo mar kasta.

Madaxweyne Xasan oo hada khudbadiisa ay socoto ayaa ardeyda u sheegay inay yihiin madaxdii beri dalka hogaamin lahayd isagoo ku dhiiri geliyay waxbarashada, wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan hadalada madaxweynaha hadii Alle idmo.