Saxafiyiintii Hargeisa kasoo cararay oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay+VIDEO

1555

Waxaa magaalada Muqdisho Warbaahinta kula hadlay Saddex wariye oo kasoo Baxsaday magaalada Hargeisa, waxayna xuseen inay Naftooda la baxsadeen, Kadib markii dhowaan Xabsiga laga soo daayey, Hadana ay ka War heleen Dacwad Cusub oo laga gudbiyey.

Wariyeyaashan oo ka tirsan Warbaahinta Hadhwanaag oo dhawaan damaanad lagaga soo daayay xabsiga Hargeysa ayaa waxay kala yihiin Cabdirisaaq Good , Cabdiqani Cabdilaahi Axmed(Asporo) iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan.

Waxay sheegeen inay War heleen dacwad loo soo gudbiyey Maxkamada Gobolka oo lagu soo qoray in dhibanaha koowaad uu ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi halka dhibanaha labaad uu yahay Gudoomiyaha Baanka Dhexe, Waxayna xuseen inay dhowaan baahiyeen Maqaal laga Qoray Musuq maasuq uu sameeyay Gudoomiyaha Baanka dhexe.