Sayid Cali oo markale dil toogasho ah lagu xukumay

41

Maxkamadda Sare ee dalka oo maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa ka gaartay go’aan rasmi ah, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Fadhigii maanta oo uu soo xiray guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa goobta ka sheegay in Sayid-Cali lagu helay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu si kas ah u dilay marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maxkamaddu diiday rafcaanka ay kasoo qaateen qareenadda eedeysanaha xukunkii dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali, mana jiri doono racfaan kale oo uu ka qaadan doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Dhinaca kale waxaa soo dhaweeyay go’aankan ehellada marxuumadda oo uu ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis oo muddo dheer sugayay cadaalad ay hesho gabadhiisa.

Waan ku faraxsanaay xukunka maanta kasoo baxay maxkamadda, waana ayidsanahay 100% insha allah wax walbana Ilaah aktiisa ayay jiraan” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan dooneynay cadaalad uun-beyn aheyd ugu dambeyna waan ka helnay dowladda, wayna ku mahadsan tahay.