Senator Ilyaas Badal Gaboose oo isku dhiibay Ciidanka Axmed Madoobe

107

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland , ayaa sheegaya in goordhaw ciidamada nabadsugidda maamulkaasi uu isku dhiibay Senataror Ilyaas Beddel Gaboose oo dhawaan Kismaayo kaga dhawaaqay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Senator Ilyaas Gaboose ayey wararku sheegayaan in uu isku dhiibay ciidanka Nabbadsugida Jubbaland ayna ka kaxeeyeen halkii uu joogay, waxa ayna wararku intaasi ku darayaan in Senataorka ka laabtay go’aankiisii hore ee ahaa in loo doortay Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Sida aan wararka ku heleyno Senator Ilyaas Gaboose oo hadda amnigiisa la wareegeen ciidamada nabadsugida Jubbaland , ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe, kana hor caddeeeyo in uu ka laabtay go’aankiisii hore.

Senataor Ilyaas Gaboose ayaa magaalada Kismaayo waxaa u diray Villa Soomaaliya gaar ahaan Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, si uu halkaasi khal khal siyaasadeed uga abuuro kuna furo buuq doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Madaxtooyada Jubbaland ayaan wali ka hadlin kulanka dhax maraya Axmed Madoobe iyo Senatorka mucaaradka ku ahaa, waxaana laga yaabaa in Senataorka lagu qasbo in uu la hadlo warbaahinta uuna caddeeyo in uu is dhiibay kana laabtay go’aankiisii hore.

Maalmo kahor ayey aheyd markii magaalada Kismaayo iska horimaad ku dhax maray ciidamo daacad u ahaa Senataor Ilyaas Beddel Gaboose iyo ciidamo katirsan booliiska Jubbaland, waxaana iska horimaadkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.