Senator Nadiir dulmi weyn ayuu ku kacay Deni +COD

1872

Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hor-yimid war murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Wadatashiga Puntland ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe, isagoo tilmaamay in qodobada ka soo baxay aanay macno u sameyneyn shacabka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeed.

Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ayuu ku sheegay in shirka markii laga akhrinayay war murtiyeedka uu buuq ka dhacay, isla markaana war murtiyeedka loogu gafay maamul goboleedyada dalka oo qaarkodo wada shaqeyn la leh dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay inay nasiib darro tahay in Puntland waxba kama jiraan ka soo qaaday sharciga doorashooyinka oo labada aqal ee Baarlamaanka ansixiyeen, kaddibna uu saxiixay Madaxweynaha.

Senator Axmed Nadiir ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu cabaqad ku noqday Puntland iyo dowladda Dhexe, isla markaana uu rabo shuruucdii baarlamaanka inuu duro.

“Waa run doorbey ku leeyihiin oo in laga tala geliyo ayey aheyd sharciga doorashooyinka, Madaxweynaha Puntland waxa uu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo dowladda dhexeba, shuruucdii uu meel mariyey baarlamaanka ayuu rabaa in uu duro” ayuu yidhi Senator Axmed Nadiir oo ka tirsan golaha aqalka sare.