Sergio Ramos Oo Dhigay Rikoodh Taariikhi Ah

1642

Kabtanka xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa jabiyay rikoodhka Ciyaaraha Caalamiga ah kadib guushii uu xulka qaranka Spain ka gaadhay xulka Faroe Islands kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Euro 2020.

Ramos ayaa sii waday rikoodhkiisii goolasha ee cajiibka ahaa ee dhanka xulka qarankiisa isaga oo dhaliyay goolka 1-aad isaga oo haatan guul gaadhay 122 kulan oo xulka Spain ah.

Guushii xalay ayaa la macno ah in uu Ramos dhaafay xiddigii hore ee haystay rikoodhka xiddiga ugu guulaha badan ciyaaraha caalamiga ah ee Iker Casillas kaas oo guul gaadhay 121 kulan.

Waxa Liiska 5-ta xiddig ee ugu guulaha badan ciyaaraha caalamiga ah ku jira 5 xiddig oo Spain ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Halyeeyada Xavi iyo Anders Iniesta kuna jira kaalinta 3-aad iyo 4-aad.

Daafaca reer Spain ayaa rikoodhkiisa sii wadi doona kulamada soo sacoda maadama uu xulka qarankiisa u sii wadi doono ka qayb galka is reeb-reebka Euro 2020.

Ramos ayaa sidoo kale la filayaa in uu ciyaaro tartanka Euro 2020 hadii uu xulka qaranka Spain u soo boxo isaga oo aan ciyaaraha ka fadhiisan doonin ilaa kadib tartanka Euro 2020.