Shabaabkii Gaalkacyo kuxirnaa oo baxsaday

431

Sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo magaalada Gaalkacyo dhinaca waqooyi ee Puntland, ayaa sheegaya in saldhig gaar ah oo aad loo ilaaliyo kuna yaala duleedka magaaladaas oo ahaa goob lagu xiro dadka lagu hayo kamid ahanshaha kooxaha kasoo horjeeda amniga iyo Horumarka (Al Shabaab) ayay xalay maxaabiistii ku xirnayd qeybta xukumanayaasha jabsadeen mid kamid ah qolalka lagu xiray.

7 kamid ah Maxaabiista xukunaa ee horey u qirtay in ay dilal kageysteen magaalada Gaalkacyo ayaa baxsaday, sidaas oo kale Maxbuus ayay toogten ciidanku, halka midna dhaawacmay.

Taliska Ciidanka Booliska gobalka Mudug ayaa shaaciyay in 3 kamid ah Al-Shabaab ay baxsadeen, iyagoo dul-dhigay lacag gaarayasa 2000 kun oo dollar midkiiba, taas oo la siinayo ciddii soo sheegta.

Hoos ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska gobalka Mudug.

WANTED.Xasan isaaq maxamed,maxamed Cali Maxamed (Istakin),Liban Ciise Cali (Madaxkariye) waxay kamid ahayeen Alshabaabkii Galkacyo Dadka ku layn jirey.

Qofkii soo sheega dhagar qabayashaas waxaa loo balan qaadayaa abaal marin dhan Midkiiba $2.000 oo dollar sido kale waxa lo balan qaadayaa inaysan cidkale ogaaneyn Ruuxa soo sheega