
Sida uu warbaahintau u xaqiijiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Qalibaf ciidamo Mareykan ah oo Haylakobtaro lagu siday ayaa lagu dejiyay dalka Ciraaq si ay halkaasi uga sameeyaan howlgalo qaas ah balse ciraaqiyiinta ayay kala kulmeen wax aysan xisaabta ku sii darsan.
Shacab hubeysan oo Ciraaqiyiin ah ayaa weerar ku ekeeyay Ciidamada Mareykanka islamarkii ay cagta soo dhigeen dhulka Ciraaq iyagoon dagaal adag kala hor tagey.
Guddoomiye Mohammad Bagher Qalibaf wuxuu warbaahinta u sheegay in ciidamadii Mareykanka laga dhigay kuwo nolosha lagu qabtay,iyo kuwo cararay.
Isku deyga ciidamadaan Mareykanka ayaa ku soo aadaya xili maalmihii ugu danbeysay Mareykanku muujinayeen rajada ay ka qabaan inay Ciraq duulaan dhulka ah kaga qaadaan Iiraan si ay dagaalka u soo gabagabeeyaan walow Iiraaniyiintuna leeyihiin dhulka noo wanaagsan.



















