Shacab dibad-bax ka dhigayay Muqdisho oo maanta rasaas lagu furay +SAWIRRO

1864

Baraha bulshada ayuu qabsaday shaqsigan oo ku hubeynaa bastoolad oo rasaas kor ugu ridaya dad isugu soo baxay degmada Hodan gaar ahaan Isogyska Banaadir.

Sababta loo hadal hayo ayaa ah in uu ahaa qof ku labisnaa dhar shibil ah [ oo aan sidan dareyska ciidamada ] kaasoo bastoolado uu gacanta ku sitay ku ridaya haween ka qeybqaadanayay dibadbaxa oo qaarkood la murmaya shaqsigan hubeysnaa.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa xiray labo wariye oo ku sugnaa goobta uu dibadbaxa ka dhacayay, waxaana markii danbe la ogaaday in qofkan bastoolada sitay uu ka tirsanaa hay’addaha nabad-galyada dowladda, laakiin waqtigaa aan sidan dareyska ciidamada.

Siyaasiyinta mucaaradka oo arintan ka hadlay ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyaha nabad-sugida in ay magaalada ku sii -daayeen sida ay hadalka u dhigeen dad hubeysan loogu tala-galay in looga hortago dadweynaha dibadbaxa dhigaya.

isku soo baxayan ayaa ahaa mid looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.