Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Banaadiriga ayaa goordhaw shaaciyay qabashada shan kursi oo kamid ah kuraasta ee beelaha banaadiriga ku leeyahay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay guddiga maamulaya doorashada kuraasta beelaha banaadiriga ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya waajibaadka Qaran iyo heshiiska la gaaray kusoo bandhigeen qabashada shan kursi.