Sharci halis ku ah Trump oo dhawaan soobixidoona

1533

Garsoorka Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa dhageysanaya kiis ku saabsan in madaxweyne Donald Trump loo oggolaado inuu sir ka dhigto xogtiisa dhaqaale iyo inkale.

Go’aankan ayaa noqon doona mid saameyn weyn ku yeesha awoodda madaxweynaha.

Mr Trump wuxuu ku gacan seyray inuu soo bandhigo warqado muujinaya hantida uu heysto iyo shaqada ay qabato shirkadda qoyskiisa.

Labo guddi oo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo dacwad oogeyaasha New York ayaa dalbaday in loo soo gudbiyo macluumaadka muujinaya canshuur celintii uu sameeyay madaxweynaha.

Hase yeeshee, qareennada Mr Trump waxay ku doodayaan inuu xuquuq difaaceysa heysto inta uu hayo xilka madaxweynaha.

Khubarada arrimahan ku xeel dheer ayaa sheegaya in go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda uu adkeyn karo awoodda ay Golaha Wakiillada kula xisaabtami karaan madaxweyne xafiiska ku sugan wali, sidoo kalena aysan sahlanaan doonin in dacwad oogeyaasha ay baaritaanno billaabaan.

Go’aanka maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo baxo ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxweynaha ee loo ballansan yahay bisha November ee sannadkan.

Haddii ay maxkamaddu soo saarto go’aan ka dhan ah Mr Trump waxay taasi ka dhignaan doontaa in sirtiisa la fashili doono xilliga uu socdo ol’olaha doorashada, kaasoo aad xasaasi u ah.

Garsooreyaasha ayaa kiiskaska ku dhageysan doona dhinaca telefoonnada, maadaama aan la isku imaan karin, coronavirus awgiis.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN