
Musharrixiinta Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan, oo ah wiilka Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shir jaraa’id oo ay goordhow qabteen ku shaaciyay inay qaadaceen geeddi-socodka doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Labada musharrax ayaa sheegay inaysan ka qeyb geli doonin jadwalkii maanta loo qorsheeyay ee musharrixiintu ku jeedin lahaayeen qudbadahooda, iyagoo ku sababeeyay walaac ay ka qabaan hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.
Waxay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu diiday inuu iska casilo xilka uu hayo, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid saameyn ku yeelan karta dhexdhexaadnimada geeddi-socodka doorashada.
Sidoo kale, musharrixiinta ayaa shaki ka muujiyay habka codbixinta, iyagoo ku eedeeyay maamulka doorashada in xildhibaannada lagu amray inay sawir ka qaadaan warqadaha codkooda, taas oo ay sheegeen inay dhaawici karto qarsoodiga codbixinta iyo madaxbannaanida xildhibaannada.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta la filayay in musharrixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay jeediyaan qudbadahooda, iyadoo doorashadana lagu wado inay qabsoonto sida jadwalku dhigayo.



















