Sharma boy oo ku dhaawacmay shil gaari+SAWIRRO

1943

Gaari la sheegay iney la socdeen fanaaniin caan ah iyo dad kale ayaa la soo sheegayaa inuu shil ku galay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Inkastoo faahfaahinta warkan ay weli soo baxeyso haddana Wararka qaar ayaa sheegaya in shilkan uu yimid ka dib markii uu wadada ka baxay gaariga oo xawaare sare ku socday, ka dibna iska daba rogmaday.

Waxaa shilkan dhimatay gabar ka mid aheyd dadkii la socday gaariga halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro fanaanka caanka ah ee Sharma’arke Cabdinaasir (Sharma boy) oo gaariga waday sida wararku nagu soo gaarayaan.

Fanaanka iyo dadka kale ee dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe, waxaana goobta uu shilkan ka dhacay oo la yiraahdo degaanka Buura-wadal gaaray ciidamo iyo masuuliyiin.

Waxaa meesha ka baxay warar horey u soo baxay oo sheegayey in fanaanka kale ee Malax Mideeye oo ay saaxiibo yihiin Sharma Boy uu isna dhaawac ka soo gaaray shilkaas, hase ahaatee allbanaadir online ayaa ogaatay in fanaankan uusanba la socon gaariga.