Shaxda Laga Yaabo In Uu Mauricio Pochettino Ku Ciyaaro Arsenal Hadii Uu Shaqada Ka Badalo Unai Emery

1696

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhinayaa in ay Miciinsan doonto tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino si ay uga baxdo xaalada adag ee ay ku jirto kooxdu xilli ciyaareedkan.

Tababare Unai Emery ayaa u muuqdo mid wakhtigiisii ugu dambeeyay ku qaadanaya kursiga hogaanka kooxda Arsenal xilli uu cadaadisku ku sii kordhayo tababaraha reer Spain.

Inkasta oo ay madaxda Arsenal haatan garab taagan yihiin tababare Emery hadana lama ogsoona wakhtiga uu ka dhamaan doono samirku shaqadana ka caydhin doonaan tababarihii hore ee kooxda PSG.

Arsenal & Emery ayaa kaliya 2 kulan badiyay 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League iyaga oo Sabtidii mar kale bar-baro niyad jab leh la galay kooxda Southampton.

Wararka ka imanaya Dalka England ayaa sheegaya in uu Mauricio Pochettino yahay tababaraha ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha kooxda Arsenal shaqadana ka badalo tabaabre Emery.

Arsenal ayaa ka war qabta tayada tababaraha reer Argentine inkasta oo laga caydhiyay shaqada kooxda Tottenham hadana waxa uu magac ku samaystay in uu dhisay koox gaadhay markii ugu horaysay Finalka champions League.

Hadaba iyada oo aynu arintaas maskaxda ku hayno waxa la soo saaray sida uu tababare Pochettino  ku soo gali doono hadii uu tababare u noqdo kooxda Arsenal.