Shaxda Ugu Fiican Premier League Todobaadkan Kadib Todobaadkii 13-aad

2053

Liverpool ayaa wali 8 dhibcood ku haysa horyaalka premier League kadib markii uu Roberto Firmino dhaliyay gool wakhti dambe ah kulankii Crystal Palace.

Reds ayaa ugu horayn hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu Sadio Mane dhaliyay goolka furitaanka laakiin Wilfried Zaha ayaa dhaliyay goolka bar-baraha iyada oo 8 daqiiqo ka dhimantahay dhamaadka ciyaarta.

Dhanka kale Tottenham ayaa guul ku bilaabatay wakhti Jose Mourinho iyaga oo 3/2 ku garaacay kooxda West Ham xilli uu Dele Alli ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Man City ayaa iyagu kaalinta 3-aad galay kadib markii ay 2/1 uga talaabsadeen kooxda chelsea xilli ay Leicester City ku sii jirtay kaalinta 2-aad kadib markii ay 2/0 ku garaacday Brighton.

Man United ayaa dhanka kale bar-barO 3/3 ah la gashay kooxda Sheffield United xilli ay Arsenal goolka bar-baraha dhalisay wakhti dambe iyaga oo bar-baro 2/2 ah la galay Southampton.

Kadib kulamadaas wargayska Mirror ayaa soo doortay shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.

Goolhaye: Nick Pope (Burnley).

Daafaca: Serge Aurier (Tottenham), James Tarkowski (Burnley), Virgil van Dijk (Liverpool), Ben Chilwell (Leicester),

Khadka Dhexe: Todd Cantwell (Norwich), Joao Moutinho (Wolves), Dele Alli (Tottenham).

Weerarka: Riyad Mahrez (Man City), Alexandre Lacazette (Arsenal), Lys Mousset (Sheffield United)