Shaxda Uu Tababare Freddie Ljungberg Markii Ugu Horaysay Ku Hogaamin Doono Arsenal Kulanka Norwich

1767

Freddie Ljungberg ayaa Arsenal Hogaamin doona markii ugu horaysay isaga oo tababare u ah kulanka ay Gunners la ciyaari doonto kooxda Norwich City kulan ka dhici doona garoonka Carrow Road kana tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka Premier Leageu.

Freddie Ljungberg ayaa laga yaabaa in uu 6 is badal ku sameeyo shaxdii Arsenal ee Europa League sabab la xidhiidha dhaawacyo iyo waliba go’aan dhankiisa ah.

Mesut Ozil ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda kadib markii tababare Emery shaqada laga caydhiyay Sidoo kale xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette ayaa ku wada bilaaban doona weerarka halka ay kooxdu dib u heli doonto xiddiga Hector Bellerin kaas oo dhaawac kaga maqnaa kulankii ugu dambeeyay.

David Luis ayaa seegi doona kulanka sabab la xidhiidha dhaawac waxana badali doona Rob Holding kaas oo ka garab ciyaari doona Sokratis si la mid ah daafaca Bidix ee Kieran Tierney ayaa ku soo bilaaban doona shaxda.

Xiddigaha Granit Xhaka, Lucas Torreira & Matteo Guendouzi ayaa ku bilaaban doona khadka dhexe ee kooxda Arsenal.

Arsenal team news: Predicted 4-3-3 line up to face Norwich - Ljungberg makes six changes