Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo tagay Dhuusomareeb

137

Wafdi ay hoggaaminayaan guddoomiyahaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada gole ayaa goordhaw ka degay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

 

Wafdiga guddoonka labada Aqal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Ujeedka safarka labada guddoomiye ay maanta ku tageen magaalada Dhuusamareeb ayaa ah inay qayb ka noqdaan gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda xoogiisa deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa muddo laba bilood ku dhaw ku sugan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas u tegay inuu ka hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.