Sheekh Aadan Madoobe oo ay heesato labo daran mid dooro

52
Sheekh Aadan Madoobe
Sheekh Aadan Madoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa xilligan wajahaya cadaadis siyaasadeed oo aad u adag, waxaana guddoomiyaha horyaalla mooshin ay diyaariyeen xildhibaano badan oo dalbanaya in xasaanadda laga qaado xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo taageeray Itoobiya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in guddoomiyaha Golaha Shacabka ku qasbeyso in uu qabto mooshinka lasoo gudbiyay lagana qaado xasaanadda xildhibaano dhowr ah, kuwaa oo sidoo kale la filayo in xeer ilaalinta dowladda dacwado qiyaano qaran in ay kusoo oogaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa wali ka biyo diidan in xasaanada laga qaado xildhibaanada isku deegaanka yihiin, waxa uuna ka codsaday Villa Soomaaliya in la raadiyo xal aan aheyn xasaanad ka xayuubin.

Ilo ku dhaw dhaw Sheekh Aadan Madoobe ayaa laga soo xigtay in sidoo kale guddoomiyaha uu cadaadis kala kulmayo xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaa oo ugu hanjabaya haddii uu mooshinkan qabto uuna dhaqangeliyo in isna xilka ka tuuri doonaan meel cidlo ahna kusoo dhici doono.

Sheekh Aadan Madoobe ayaana hadda waxaa heesta labo daran mid dooro, isaga oo ay ku adag tahay in uu kahor yimaado siyaasadda Villa Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka baqayaa haddii uu dhagaha ka fureesto xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed in uu waayo mustaqbalka dhaw cidda kursigiisa u difaacda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xilligan wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad ugu adag, waxa uuna guddoomiyaha ku mashquulsan yahay latashiyo uu la yeelanayo lataliyaashiisa , si uu go’aan uga qaato xaalada taagan.