DAAWO:-Sheekh Aadan Sunne oo kabaxsaday Hargaysa

933

Xukuumada Somaliland, oo ka warbixisay, halka uu ku danbeeyay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan Sunne) oo ahaa culimada caanka ah ee Somaliland oo isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban 13 xubnood la waayay dhowr cisho kahor, ayaa sheegtay in ay aaminsantahay in uu Alshabaab ku biiray.

Cabdilaahi Maxamed Xuseen oo ah wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha, ayaa sheegay in Sheekh Aadan Sune uu isagu Somaliland ka guuray, si ka soo horjeeda sida dadka qaar malaynayeena aanu u xidhnayn xukuumada Somaliland.

“Aadan Sunne, isaga ayaa guuray, oo Somaliland ka guuray, oo tagay, oo caa’iladiisana rartay, cid xidhay ma jirto, cid uu u afduubanyahayna ma jirto, cid amaankiisa wax u dhintayna ma jirto, isaga iskii u tagay…halka uu u guurayna wasaarada arrimaha gudduhu way ogtahay” ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi.

Wasiir Cabdillaahi ayaa sheegay in uu socdo baadhitaan, la doonayo in xog buuxda lagaga helo cidii ku gacansiiyay in uu Somaliland ka baxo, isaga oo sheegay in ay aaminsanyihiin in uu Alshabaab ku biiray.

“Waxaa jira baadhitaan socda, oo aanu warbixin dhamaystiran kasoo saari doono, oo cidii kalkaalisay iyo cidii tabaabushaysay, aanu xogtooda soo gudbin doono, anagu waxaanu aaminsanahay in uu u tagay saaxiibadiisii markii horeba lagu eedayn jiray in uu afkooda ku hadlo”ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi.

Sheekh Aadan Sunne ayaa marar kala duwan xabsiga la dhigay, isagoo lagu eedeeyay in uu abaabulayay falal argagixiso, iyo in uu masaajidada kaga hadli jiray fikrado xagjir ah oo uu shacabka ku farayo in ay booliiska iyo dowlada la dagaalamaan.