Sheekh Cabdi Faniinte oo Xalay lagu dilay Muqdisho

608

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay fiidnimadii hore Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho ku dilay Nabaadoon caan ka ahaa Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Faniinte.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in marxuunka dhintay ay dalbeyda hubeysneyd la dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa rasaas farabadan xili uu ku sugnaa meel aanan ka fogeyn gurigiisa.

Dableyda geystay dilka Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen marxuumka, waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo halkaasi baaritaano ka sameeyay, hayeeshee cidna maysan usoo qaban falkaasi.

Habeen hore ayay aheyd markii degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir dil noocaan oo kale ah loogu geystay ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Salaad Ciise, waxaana ganacsadaha habeen hore la dilay iyo Nabadoonka xalay la dilay ay kasoo wada jeedaan hal beel, lamana oga sababta ka dambeysa dilalka loo geystay.

Amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid si weyn faraha uga sii baxaayay, kadib dilalka iyo dhaca loo geysanayo shacabka oo kusoo kordhayay degmooyinka magaalada Muqdisho.