Sheekh Cali Wajiis oo dowlada ku eedeeyay inay dhibaato kuhayso Xajka

1661

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed kana mid ah guddiga arrimaha xajka ayaa xukuumada federalka ku eedeeyay inay caqabad ku tahay sanadkan Soomaalida dooneysa inay soo xajiso.

Qoraal dheer uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku soo bandhigay qoddobo sababi kara in sanadkaan Soomaalida ka baaqato Xajka.

Qodobada uu soo saaray Sheekha ayaa waxaa kamid ah in xamlooyinka loo xil saaray xajka sanadkan aysan lahayn waayaraganimo ku filan marka laga reebo shan xamlo.

Hoos Ka Akhriso Qodobada uu ku sababeeyay in Xukuumadda Soomaaliya caqabad ku tahay Arrimaah Xajka.