Sheekh Mukhtaar Sheekh Cabdi Xaamud oo ladilay

256

Kooxo hubeysan ay saaka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay ni la sheegay inuu imaam Masjid halkaas ku yaalla.

Sheekh Mukhtaar Sheekh Cabdi Xaamud ayaa xilliga la dilayay ka soo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee ku yaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo ka ahaa Imaam.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay iney ku hubeysnaayeen Bastoolado, isla-markaana ay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen dilka ka dib

Ciidamada ammaanka oo wax yar ka dib halkaas gaaray ayaa baaritaano kooban ka sameeyay goobtaasi, lamana sheegin cid ay u soo xireen dilkan imaamkan oo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada xigay.