Sheekh Rusheeye oo loodiiday inuu Puntland Bilaabo howlihiisa

1600

Maamulka Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socdka Sheekh Cabdul-xaq oo loo yaqaano Rusheeye oo gelinkii dambe ee shalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa lagu sheegay in Sheekh Rusheeye uu joojiyo howlo Qur’aan saar ah uu doonayo inuu ka bilaabo Gaalkacyo, isla markaana uu halkaas dadka ku saaro Qur’aanka.

Guddoomiye Cabdiladiif Muuse ayaa Taliyaha Booliska Mudug ee Puntland faray inuu Sheekh Rusheeye ka joojiyo howlaha uu ku doonayo in dadka uu saaro Qur’aanka, isla markaana Gobolka uusan wax shaqo ka bilaabi karin ilaa iyo amar dambe.

Qoraalka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu caddeeyay in Maamulka uu xaqiijinayo ujeedka dhabbta ah ee Sheekh Cabdul-xaq oo loo yaqaano Rusheeye ee howlaha uu dadweynaha u qabanayo, arrintaas isaga imaanayo.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa gaaray Cabdul-xaq Rusheeye, waxaana muuqaalo laga soo duubayay uu muujinayay inuu watay gaadiid ay ku jireen Booyado biyo ah, kuwaasi oo lagu tilmaamay in lagu dhubayo Tahliil uu isaga tufay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha G/Mudug.