Sheekh Shariif iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo kulmay

110

Qaar kamid ah Xildhibaannada Beelaha Hawiye ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku shiray Guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wadahadlay arrimo xasaasi ah.

Kulankaas ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo dhibaatada heysata shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar kamid ah xubnihii ka qeyb galay kulankaas Xildhibaannada ayaa si weyn u gorfeeyey culeyska ay wajahayaan ganacsatada Muqdisho, gaar ahaan canshuuraha ay ka qaado dowladdu oo aad ay uga cabanayaan.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa kulankaan ku soo hadal-qaaday dhibaatooyinka Khawaarijta Al-Shabaab uga imaanaya ganacsatada dhanka, kuwaas oo bilaabay burburin iyo hanjabaad ay ku hayaan ganacsigooda.

Xalay ayey kooxda Al-Shabaab gubtay suuqii ugu weynaa deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii ay ku xireen miinooyin, maadaama ay ganacsatada suuqaasi u hoggaansameen amaradii dowladda.

Xildhibaanada kulankaan isugu yimid ayaa falanqeyn dheer kadib isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira.

Kooxda Al-Shabaab oo weli lacago baad ah ka qaada ganacsatada ayaa bilowday hanjabaad iyo ficilo ay kula dagaalamayaan ganacsiga Muqdisho, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka adkaatay kooxda, kuna soo rogtay cunaqabateyn adag.

Dowladda ayaa kordhisay canshuuraha ay ka qaado ganacsatada, taasi oo dhalisay gadood ganacsi oo maalmo badan ka jiray Muqdisho, inkastoo wax un xal ah la gaaray, hadana waxaa jira tabashooyin badan oo ganacsatada Muqdisho ay ka qabaan dowladda, kuwaas oo u baahan in si dhab ah loo xaliyo.