Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo kasoo guuray Hotelkii lagu weeraray

1352

Madaxweynayaashii hore ee Soomnaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw isaga soo guuray hotelka Maa’ida oo kuyaala meel ku dhaw Hotelka Daljirka Dahsoon.

Labada Madaxweyne hore ayaa xalay la sheegay in lagu weeraray Hotelka ay degnaayeen ee Maa’ida, waxaana saacadihii hore soo baxayay in Madaxweynayaashan lagu godoomiyay hotelka loona diiday in ay ka baxaan.

Xubno ku dhaw dhaw labada Madaxweyne ayaa laga soo xigtay in Hotelka si nabad galyo ah uga soo guureen ayna dib ugu laabteen guryaha ay degan yihiin oo kuyaala agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa Hotelka Maa’ida u degay sidii ay u abaabuli lahaayeen banaan bax maanta la filayay in uu ka dhacay taalada Daljirka , hasa ahaatee ciidamada dowlada oo xalay xoog kula wareegtay Daljirka iyo wadooyinka soo gala.

Labada Madaxweyne hore mar kale u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in warbaahinta la hadlaan kana warbixiyaan weerarkii lagu soo qaaday hotelka ay degnaayeen iyo sida ay u dhaqantay Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay rabshado iyo iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidamada dowlada ka amar qaata iyo ciidamo daacad u ah Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.