Sheekh Shariif oo maanta tagaya Baydhabo

1380

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku sii jeeda gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida ay innoo u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay saacadaha soo socda ka amba-bixi doonaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro u ololeynta arrimaha doorashada, isaga oo sidoo kale booqan doono magaalooyin kale oo ku yaalla dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo Baydhabo kula qaadan doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga dareemayo halkaasi.

Safarka madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa ku soo aadaya, xilli uu shalay Baydhabo dib uga soo laabtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.