Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe

1511

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka degay magaalada Garowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Sheekh Shariif oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi oo uu muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa ayaa ka mid ah Madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo mas’uuliyiin iyo dadweyne kale.

Sheekh Shariif ayaa horay u tagay Garowe, isagoo Madaxweyne ahaa sanadkii 2012, waxaa la xusuustaa in xilligaas si weyn loogu soo dhoweeyay, isla markaana dhex lugeeyay wadada laamiga ah ee bartamaha magaalada.

Magaalada Garowe ayaa xilligan kulmisay Madaxdii hore ee dalka soo maray, Madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ah, waxaana tagitaankooda Garowe ku soo aaday, iyadoo xurguf u wada dhaxeyso, siyaasadana isku hayaan.