Sheekh Shariif oo u dacwooday james Swan

34

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

 

Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

 

Shariif ayaa wuxuu Swan la wadaagay halista ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh, taas oo uu dhawaan si bareer ah uga horyimid, kadib markii guddiga doorasho ee lagu muransan yahay ay shaaciyeen in diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda ay furan tahay.

 

Sidoo kale waxay ka wada-hadleen istaraatiijiyado lagu kobcinayo wada-hadal dhexmara dhinacyada siyaasadda, iyadoo la doonayo in loo gogol xaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaan kulan la qaatay James Swan oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, qaabka doorashada ee lagu muransan yahay iyo baahida loo qabo in doorasho la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, oo sharci ah inay ka dhacdo Soomaaliya,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.

 

Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya, waana midda keenta in la arko madaxda oo u cabasho tagaya Xalane.