Sheikh Maxamed Idiris oo weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo +VIDEO

2066

Shikh Maxamed Idiris ayaa dhaleeceen usoo jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Sheikh Maxamed Idiris ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka ay ku fashilantay sugida amniga magaalada Muqdisho,islamarkaana ay gabtay mas’uuliyaddii loo igmaday.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku fashilmeen sugidda amniga magaaladda Muqdisho,taasina ay fududeysay in Shabaab ay qaraxyo ka geystaan magaaladda.

“Marka laysku daro qaraxan iyo kii Soobe dhimashada aadey u badan tahay, waxa keenayana waa istaraatiijiyada qaldan ee amniga loo sugayo, oo u suurtagelineysa in cadowgu doorto xiliga iyo meeshuu rabo.

Ku dhawaad 100-qof ayaa ku dhimatay Qaraxa halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen,sidoo kale,waxaa nolol iyo geeri lagu la’yahay 25-qof oo ku maqan Qaraxii sabtidii dhacay.

Qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye ayaa sababay khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegtay qaraxaas.